h1

Waa Sheeko aan Ugu Magac Daray Aniguba Yabay oo Idhi Kahin Qodho’weyna. Akhristow wakhti gali sii aad Uga bogatiid Sheekadan

June 17, 2009

WAA SHEEKO AAN UGU MAGAC DARAY ANIGIGUBA YABAY OO IDHI KAAHIN QODHA WEYNA
June 8
2009

Fadlan adigo Mahadsan waxaad ilalisa Shuricda iyo Asluubta qoralkan . hadii aad Qabtiid su’aal ama aad ihaysiid wax talo ama Tusale ah waxaad Waraq ay Edaab Ku dhehantahay Igu soo Hagajii Cawankan ,E-mail Kan jigreboi@gmail.com Mahadsaniid Fadlan Boqo site’ka www.jigjigatimes.com u adeegaha Ruunta. Mahadsaniid
WAXAA SOO DIYAARIYAY QORAA MAHAMUD J ADAN

fadlan ilali Xaquuqada Qoralkan wayo wakhti ayaan galiyay marka Codsi isoo diir hadii aad rabtiid in aad Dabacatiid ama aad galisid Alad internet oo aad adigu sii khas ah u ledahay mahadsanid E-mail ‘ka la’iga hela hoos ayuu ku Cayiman yahay maraka waxii waydiin ama codsi ah igu soo hagaji.

Fikradii Maxamud j adan
Hadii aad figarad ka Qabtiid ama aad haysid wax Talo iyo Tusale ah u ku sabsan Figradan. Please do so Drop Your E-mail @ jigreboi@gmail.com mahadsaniid,Thank You.

Sheekaba Sheeko Ayay Ku Timadaye Barii ba waxaa Jiiray Islaan Iyo odey Is’qabey oo ku wada nola meel badiye ah , Hadaba Maalin Mal’Maha Ka Mid ah ayaa waxaa Dhacadey In uu Odeygii u Qorsheystay in uu Adoo Safar uu ku Adayo Tulada sii u soo ibiyo Labo Ka mid ah Wanan uu Laha
Ninkii ayaa inta u san Safriin habeen nimadii u Tagay Xaaskiisa sidii Lagu yaqaan Nin iyo Xaaskiis ama sidii u sharcigu dhigay ,hadaba odeygu xoga waxa u iska aha xoga nin ay da’adu ay hayso oo iska wayeel ah balse iska Tuurta Hawuul’shiisa labadii Jimco’’Ba Hal mar balse waxaa isku soo Begmey hawuul’shii iyo Safar kii.o ah howuul aad ugu adag in u fuliyo odey iska tacban ah oo tisaba u yaban. Meshii ayuu gurgurtay oo u hawuul’shisi ka Bilowdey intuu iska damiyay Dabkii guriga iftimanyay markii uu Damiyay Daabkii ama Iftiinkii Aqalka Iftiminayay ayaa waxa uu sidii U Cadada Aheyd u Hadal Ka Bilabay Na Ceeblay Iska Feyd Marada
Hadaba ceel’kii Jano aduun ayuu sidii u cadada aheyd habeen kii durduurtay balse waa nin ay Soortu u Tahay nafaqo oo intu sida mas Wabey Tufay oo kale wash, wash Uga siyay waxii aad ila garan ayuu sida awuur garbo’la oo kale uga dadagey Ooridiisi,ama Xaaskiisi, . Hadaba iska Shaqadisa ma aha in uu qanciyo xaskiisa ama uu weydiyo in ay rali ka Tahay sida ay hawuul’shu u fushay ama ay u dhacadey ee kaliya waxa u daran in ay ay Wabeyda lafta ku dhagtay ay mar uun ka soo baxado? Duumarka soomaaliyeed waxa ay hodan ku Yihiin Xishood Iyo guur wanag aan laga Heliin calamka aan Ku nolahay tasna , Hadaba islantii Ayaa iyada waxa ay Cado ka dhigatay in ay Madaxa iska xoqato oo ay diib u liiqdo Candhuufteeda wayo Sii fican uma Nuur satee inta lagu ka Kiciyo Umuraha ayaa la’iska daga sidii dameer Rar Laga Dajiyay.
Hadaba hadii adan wax aqoon ah u laheyn ama aad u ledahay wax aqoon ah Dumarka iyo raagu Dareen kodu way kala duwan yihiin oo Laba siyaabood oo Kala gooni ah ayuu dareenku u Gala, Tusale ahaan Rag hadii aan nahay waa Ku arkey oo waan ku raba Dumar’kana waa in aad geer Culus badh’badhaa oo aad Mela Fog’Fog ka radiisa , waa sida aan Ku maqalay wali wali hawushaydu way I danbeysa oo waxaan ahay seef La’bood wali aan heliin midisii xalasha aheyd Kaftan.. Laughing out Loud. Xoga jiidka ayaan Lexday ee aan diib Ugu soo labto sheekadii aan Ku guda Jiray.
Hadaba siidii lagu Yaqaan Dumarkii Hore ee wanaga badana ee soomaaliyeed ayaa waxa ay islaantii Kacdey Xili ay ciirka iyo xidiguhu isku Jiraan oo waxa ay Ala’macadabeheda u Kariisay Shaah Khadhadh iYo soor Cano iyo subag leh sii uu badhana u Cuuno Badhna u Sahay uu jiidka ku sii maro uga dhiigto , markii ay isku hubsatay in ay wax kasta ay diyar yihin ayaa waxa ay islantii sii ay sharaf ku dhehantahay u kicisay odeygeedi meshii ayuu waxa uu la soo fadhistay Rumay ama Cadey dheer ,meshi ayuu sidii lagu yaqaan rag intuu koor u dhawaqay ayuu Yirii Naa Ceeblay, Naa Ceeblay islaantii ayaa u Timiid oo waxa ay way disay waxa uu rabo, xagii ayuu ka Bilabay waxii rag lagu Yaqanay eleen waxaan Nahay Geed baxa kaliigiis oo raba markasta in uu taliyee, Xagii ayuu ka Bilabay DarDaran aduunyo uu Faryo Xaskiisa in ay Xola amin Dheer soo Xarayso sii usan bahalku u cuniin Xolaha , Cuntadii ayuu Badhana Cuunay Badhna Ka dhiigtay Sahay oo Meeshii Ayuu ka Dhaqaqey Ciirka iyo dhuulka oo isku Jiira sii uu uga gabadho saylada xiliga wax la kala gato xiliga ugu wanagsan ama ugu fiican.
Reerkii , Malkii iyo Guriigi waxa ay isagu soo Duba’shubteen islantii o waxa ay xagii ka bilowdey in ay malkii adunyo ay u kala Meel’yesho hadaba waxaa Jiiray Niin ay Dumarku aad uga Cabsan Jiireen oo U waydarta Dumarka Laga maqanyahay habeen kii Ninkaas oo isagu ha nin markasta radiya Xaas uu Nin’keedu Ka safray ama uu meel uga maqanyahay reerka. Amiin habeen ah ayaa oo odeyGeduu Maqan Yahay ila Afar malmood ayaa waxa ay habeen islaantii U bariday Aqalkeedii sidii Cadada u ahyed
Mar ay tahay Xilii danbe oo ay islaantu Hurudo ayaa waxa u soo galay Ninkii ay Dumarku ka Cabsan Jiireen, markastana waxa uu fiirsada mar ay Umada wada hurudo , Hadaba islaantii ayuu u soo galay isaga oo Sii Tartiib u soo Gurguranaya ayuu islantii ka Fayday maradii Guriguna waa madow oo wax loo Jeedo ma’laha islantii ayaa waxa ay moday in uu Odeygeedii imaday uu yahay Qofkan Marada ka fayday odeygeedi oo soo Labtay hadaba ninkii ayaa hawushiisii Xaga ka Bilowdey islaantii ayaa Meel aan waligeed lagadhin wax ka dareentay oo Xisaabtii Hore ee ay Horay u Taqanay iyo Midan hada cawa ayaa waxa a u dhaxeya wax’weyn islantii ayaa habeen’kii sii wanagsan ama sii fican u Nuurstay’dhooshana way ka qosashay
Hadaba markasta oo ay magaciisa ugu wacdo waxa u laha “”umm”” “”umm’’ sii aynana u fahmiin in uu yahay qof kale hadaba ninkii yaa markuu hawuul’shisi Bogatay ayuu waxa uu ka Guray Guriigi oo waxa u ku labtay Duurkii u nola islantii oo kala dadtay ayaa waxa ay soo tostay xiili aynan waligeed soo tosii Jiiriin oo ah barqo Dhaafkii ileen xisabta ayay wax xalay iska

badalene hadaba. Markii ay soo Tostay ayaa waxa islantii afkeedea laga heylay (ANIGUBA YABAY OO IDHII KAHIIN QOODHO WEYNA) fajac iyo yaab ayay islaantii ka bixii waysay hadaba odeygii ayaa imadey amiin fiid ah gurigisi islaantii ayaa tirii wakane malaha Qalab cusub ayuu ka soo ibsadey Tulada iyada oo sii ficaan u farxsan ayay waxa ay u salantay sii ay ku dheehantahay jaceyl ileen xalay ayay xisabo kale tirsatee odeygii ayaa yabay oo waxa a dhahay naa Maxaa Ku daray oo manta iska ka badaly waligay kuguma arkiin adiga oo sidan dhoosha uga qosaleye hadaba islantii ayaa xishoodtay oo way ka cabsatay in ay tirahdo waxii xalay ayaa iga farxiyay oo afkeeda ayay qabsatay islantii iyo odeygii ayaa habeen kii isku soo Gurgurtay oo intii lagu yaqanay ayuu wash, wash Ka siyay marka islaantii xagii ayay ku garatay in ay heshay habeenkas Xisaab kale oo ka Timid Meel kale ninkeediina ma aysan u sheegiin wayo Xagaas ayay waxa ay reer keda ku wayi laheyd.
Waad ku mahadsantahay Akhrinta aa akhrisay Qoralkan ama Sheekadan
Maxamud j adan E-mail at jigreboi@mail.com Thanks, Mahadsanid. Xaquuqda Sheekada waxaa iska Leh maxamud J adan Fadlan Adiga oo aan ila soo socdsiin Ma dabacan kartiid

h1

La’igama Horeyn Markii aan kow indhaha Jalaq Kugu Siyay

March 25, 2009

La’igama Horeyn Markii aan kow indhaha Jalaq Kugu Siyay
”waxaa Qoray mahamud j adan ahna Mamulaha Shabakada ama Bloga”
www.Somaliwords.Blogspot.com

La’igama Horeyn markii aan indhaha jalaq kugu siyay? Amin casar Ayaa waxa Iqabtay Xaraaro oo waxa aan dontay Casariye aan ku dajiyo maskaxda anigo aad iyo aad u labisan ayaa waxaan Galay Garigeyga waxaan ku rogay Furaha oo waxan wax ka Dayay Cagaheyga Highway da ayaan saray gadhigi isaga oo u malaysiid Garanuug ka carareysa Shabeel bahan oo rabo cad shilis iyo dhiig aan loga horeyn waxaan tagay maqayad ku Tala bartamaha Magalada Makhayadii ayaan gariga soo Hor dhigay waxaan salaan aad u diran uu qosool ku dhehanyahay Ku turay asxabtii aan Mesha ku arkay waxaan ku dhahay asxaab shaah aan soo qate waan soo laban dona waxaan Galay Makhayadii oo waxaan salamay shaqalahi ka shaqeynayay Makhayada Si wanagsan ayaa La’iga qaday salaantii waxaan dalbaday Shaah ay sonkoortu ku Yartahay balse loo Qiyasay canaha oo aad u malaysiid in lagu Cadeyay Cano geel oo ay xumbadu ay xadh-xadhayso afafka markii aan qac isku siyay ayaa waxan dhahay markan Qac ka siyaan qalbigu idiraye inkasto Hadalka La’iga Horyiri balse markaa xaqa ayaan u laha in aan isticmalo wayo nin ay Xaraaro hayeso waa Nin ay wax ka siyihin marka sidas ayaan xaqa ugu yeshay in aan dhahi markaan Qac ka siyaan ayuu Qalbigu idiraye.

Aniga oo Qoslaya ayaa waxaan la soo baxay hal koob oo shah ama To go ah waxaan u soo baxay bananka waxaan halkii ka bilabay fadhi ku diriir iyo waxii lagu Yaqaan soomaali waxaan u kaftamay sida nin aysan waxba ka Maqneen AMen ay sheekadu tahay Tit for Tat Ayaa waxa hal mar igu soo dagay Jibo anan waligay isku arkiin oo aan mel aan u qado garan wayay gabadh aad iyo aad u qurxoon oo u malaysiid qoslakeeda qureshtii haween ayaa waxa ay ka soo dagtay garii kala Jidan aniga oo isku Jeda ayaa waxaa igalay wax aan u maleyay hami rageed Ileen Ragii waa dhurwa ee waxaan isku maleyay in aan Kaligay Rag ka ahay oo waxaan ka tagay wax wada qeybsigi oo waxaan iska dhadhiciyay Gabadhisa Yasan ku dhafiin hadii ay ku dhaftana raganimadada ayay wax Jiirta.

Markaan Damcay in aan la Hadlo ayaa waxaan is arkay aniga oo isku qubay ama isku dadiyay shaahii aan watay iskumana jeedo oo waa la isaqay inkasto oo ay saxiibadahay iyo intii mesha joogtay igu qoslayeen balse uma jeedin waxa aan sameyay ama in aan shaah isku dadiyay oo ima cada wax kale aan ka aheyn xurul laceynta isoo Hormartay. Aniga oo Raba in aan La hadlo ayaa waxa aan arkay gabadhii oo iga Hor gashay Tukaankii waxaan u qatay in aay sida iga baxsatay oo Nafteyda ayaan canantay oo waxaan u shegay Naftayeda in anaan aheyn wax jira wayo gabartii sidas ayay kaga baxsatay wana siidi aan naftayda galiyay. Hadaba kaliya chance iga aan haysta ama fursada kaliya een haysta een kula hadlo gabadha waxa ay tahay in aan sugo ila inta ay ka soo baxayso dukanka waxa ay igu Noqotay Sanad ila inta ay ka soo dhamanyso Dukaanka gabadhu oo waan sugu kari wayay inta aay ka soo Baxayso kolba waxaan qoransada Irida dukaanka iyo agagarka Gadhigeda oo marnaba ma galin maskaxdeyda in ay Xuralaceyntasi i dhafto wayo yaa og in aan markale arkayo magaladuna way weyntahay inta is aragtana way Yartahay.

Nasiib wanag gabadhii ayaa waxaa ay ka soo baxday Dukaankii aan ku garabsugay Waan u Takey wayna igu Qosashay wayo dharkeyga ayaa waxaa ka Buxa Shaah Canoleh Balse anigu uma jedo oo Miyar’ba Ma lihi oo Mankeyga iyo miyirkuba waxa uu ku maqanyahay hadaba waxa ay igu dareeyd markii aay Qosahay wayo qosalkeedu Ma usan aheyn waxa aan hada Qoraal ku soo KoBir karo oo waxa iga tagtay Korantadii iyo hadalkii waxa aan ku hadlana waan wayay Carabkuna waxa uu inoqday Laba Kilo Iyo bar dhinac aan u dhaqajiyana waan wayay markii aan sidi doqan kii oo kale Carabka LexLexiyay ayaay iga dhaqaaqday gabadhi oo wax ay aday Xaga iyo Gadhigeeda iyada oo isoo Firinaysa waxa uu dhibku ka Taganyahay Ma weydiin Magaceda iyo mesha ay dagantahay wanan isku dhex Yacay sida qof walan oo kale waligana isku ma arkiin ariintan oo kale. gabadhi ayaa gariiga Ay wadatay Gadashisa Ku Guratay Adeegii ay wadatay anigana eegmo,fajac iyo Yaab aad Modo Cashaq ayaa iga soo haray oo waxaan is raciyay Gabadha o anan waxa aqoon ah Haba yaratee u laheyn. Run ahantii anigu Markaas isma ogi in aan Jogo ama aan jiro oo maskaxdeydu way maqantahay waxayna ku maqantahay Iyada Nasiib xumo gadhigii ayay gashay oo waxa ay ku rogtay furihi wax ayna kaga Ximisay gadhigi Ma Ogi malaha aniga ayay igu Baqeysay Mise gadhiga ayaa Iska Xiin weyna balse ANigu waxaan maskaxda Iyo manka gashaday in ay aniga ii Baqeysay oo waxa iga soo Baxay Dhidiid aan Cadad Laheyn oo aad u malaysiid nin hada ka soo baxay GYM ama indoor Soccer.

markii ay gadaal gadaal u soo baxday ee ay rabtay in ay baxdo ayaan waxaan Niyadeyda gashaday mar hadii ay Dhaqaqdo Hada Diib uma arkeysiid oo sidas ayay kaga baxsatay duqonimo ayaa iqaday waxaan ku careray garigaygii oo Xoga iga Durugsana waxa aanan u Orday sida qof walan oo kale oo hal talabo ayaan ku tagay garigii waxaan wayay Furuhi oo gacanTeyda ku Jira ayaa waxa aan ka radiyay Jeebabkeyga iyo dhulka Gacmahana ku hayaaye Ogow aniga oo aad i malaysid shaqsi walan ayaa waxaan ku orday mid ka mid ah asxabteydii mesha jogaty oo waxa aan weydiyay FUraheygii qosol ayuu la dhacay anigana Tii shalay ayay iga noqotay waxaan ku Bilabay feedh iyo Laag waxanan Sanka ugu Yelay Dhiig waliga ma Dagalamiin oo waxa aan aha qof iska dagan oo lawada jecelyahay oo asxaab badan umadii ayaa yabtay waxa ayna i waydiyeen maxaad ku dishay wiilka wax aan ku hadlo ayaa waxa aan wayay oo waxa kaliya afkeyga laga helay furahygi yaan waydiyay Qofna laguma Dilo wax adan u dhiban usan war u heyn wana Khaladka ugu weyn ee u qof samey karo wana la isku dila xabadna waa la isku dhufta wayo adiga ayaa kasbaday wayna kugu ficantahay in lagu dila hadii aad qof gardaro ku donatiid. nasiib wanag Yarka saxiib lilahi ayaan aheyn wa una iga qaleyay wax Police ahna igumana yeerin

Mid Ka mid ah Dadkii Mesha Jogay ayaa waxa ay igu dhaheen wax walan ayaad tahaye So adiga furaha ku haya gacantada Midig intaan firiyay ayaa Aniga oo sidi qoof walan oo kale waxa aan ugi cararey gadhigigeygii wax ana ku rogay Furaha aniga Agteyda waxaa ka buxay gadhiyaal waxaan Damcay in aan Gadaal gadaal u baxo Balse waxaa aan galiyay Geer Xalqadn oo waxa la iga rabay sida Cadada aheyd in markii Gadaal Gadaal Lo baxayo La galiyO Geerka (R) nasiib xumana waxa aan galiyay Geerkii Horay Horeyda oo ah (D) Gadhi Horteyda yalay ayaa waxaan Qabadsiyay gadhigeyga oo waxa isla markii la igu wacay Police waxana la itaxabay Xerada Police La’ma Xidheen hadii aan ka Doodi laha oon aan si fican wax ugu shegi laha Police ka balse aniga waxaa igalay Cudur ugu dhacay labadii sacadood ee ugu Danbeysay marka Police ku wax uu go aan saday in aan walanahay o anan u bahanahy dhakhtar i firiya wa una iga qatay sharcigii Dirawalnimada oo waxa uu listada i galiyay in aan ahay Mana Koobiyo ama wax walan. Intaas oo dhana wax war ah o aan isku hayo malaha oo waxa ii cad gabadhii kaliya Qofkii aan arkaba wax uu inoqda iyada balse anan aqoon wax aan ugu yero iyo meel ay Tin iyo ciidhib meel dhigtay Family’Keygi ayaa la soo wacay oo waxa lagu dhay wiilkiini ayaa ku Jira xerad ee soo Donta Qadan waa ayay ku Noqotay oo waxaa aan ahan Jiray shaqsi aad iyo aad laga qadariyo Guriga iyo familkaba wayo waxaan aaha qof wax ku ool ah oo jiishisa igu wanagsan oo anan waligiis iyo alihis wax dhib aan laga soo sheganin

Reerkii oo usan hal shaqsi ka maqneyn ayaa waxa igu imaday xeradii markas ayaa igu danbeysay Miyiir iyo in aan wax kala garto oo waxaan Noqdey sida qoof riiyo habeen Ka soo Bararugay oo waxa aan iska naray sheydankii habada markii hadal la’igu arkay ayaa waxa sii wanagsan ila hadlay Police kii oo i weydiyay siidi ay wax u dhaceen markii aan sheekadii u shegay ayuu waxa uu qabsaday Qosol aad iyo aad u weyn waxa una idhahay waa sheeko film ama aad Book ka soo Akhrisatay ee wax kale ii sheg hadaba markii aan ku cel celiyay in ay ariintu sidas u dhacday ayuu i aminay oo waxa uu iga sii dayay xabsiga wax una i fasaxay garigaygii iyo Sharcigi nasiib wanag gariga wax sidas ah ma soo gariin balse kii aan ku dhacay ayaa waxa soo gadhay dhawac halis ah. waxa una i balamiyay Loyar wakhtigi aan iskeeni laha Maxkamada oo warqad ku qoran ayuu Gacmaha iga saray hadaba waxa aaan la hadlay wiilkii aan gadhigisa ku dhacay wanan heshinay oo waxa aan ku heshinay sidii soomaali lagu yaqan wa una iska key cafiyay maxkamadiina sidi ayay ku baqatay oo waa la iga tirtiray waxii aan Danbiga ku kabsadey.

waxaan Bilabay in aan gabadhi radiyo waxa aan markii kobad ka Bilabay website yada online ka sida Myspace,facebook IWM. waxa nasiib ah uma yelan in aan ka arko sawiirkeeda ama wax iyada u eg kaliya fursada aan haysto waxa ay tahay in aan istago casarkasta Meshii aan ku arkay markii Kobad hadaba markii aan wayay in mudo ah oo aan ku qiyasay ila Hal Bil oo aan malinkasta mesha istagi Jiray balse waxa ay ariintu ku soo Biyo shubatay in aan iska samro balse naf samarta iguma jiirto oo mel ayay naftu iga qabsatay hadaba markii aan inmudo ah waysana gabadhi aya waxa malin malmaha ka mid ah tagey Gurii uu Leyahy wiil aan saxibo dusha kanahay balse anan waligiis Gurigsa tagiin Markii aan Albabka sidaas ugal bamcay ayaa waxaan Meel Foog ka arkay gabadhi aniga Yaa ikara Farxad iyo hadal Anan laheyn oo malmahan danbe la’iga wayay ayaa igu soo dhacday. hadaba waxa ay balo ka Tagantahay Gabadhi lama hadli karo oo saxiibkay ayay la Dhalatay in aad saxiibka ku ken Kentana waa laga ficanyhay Talo ayaa igu Cakiirnatay oo wax aan sameyo ayaan garan wayay hadaba nasiib wanag gabadhii oo si asluub Leh u Labisan ayaa wax ay ikeentay Shaah Anan waligey Dhadhamiin oo aad macankiisa isledahay Yaa ka dhiga shaaha Laftigisa hadaba nasiib wanag isku ma dadiin shaaha sidii malintii oo kale oo waxa aan iska dhigay nin dagan oo miyiir leh inkasta uu Cashaq Ba’ani ihayo Walal Keed ayaa gabadhii ibary oo wax uu idhahay waa walashey iga yar Magaceduna waa (Zuhuur ama Suhuur) magaceygii ayaan u shegay waxnan dhahay barasho wanagsan hadaba waxa aan ka shaqeysiyay maskaxdeyda oo waxa aan is dhahay sidee u gu Fuduud oo aad Number keda ama telephone keda ku hesha hadaba waxa igu soo dhacdey Mataloyiin Farabadan balse mid ayaan ka DOrtay taas oo Aheyd in aan Warqad ku QOro Telephone keyga oon aan Cup ka aan shaha ku cabayey aan gadal Kaga Dhajiyo oo ay aragto markii ay dhaqeyso Weelka hadaba Xanjoo aan afka ku hayay ayaa waxa aan inyar kaga dhajiyay Cup ka dabadisa ama Gadashisa

hadaba intaan saxibkey iska fiirshay ayaa waxa aan ku dhajiyay warqadi Cup kii aan wax ku cabayay yarkii Ayaa igu dhahay Ina mari saxib suqa ayaan iska Galeynaye gabadhi ayaan uga mahad celiyay shaahii macana ee ay No karisay wa ayna iga aqbashay oo wax ay dhahday Abowe adiga mahadsan jidhiidhicyo ayaa igashay oo waxaan RabaY in aan Hadal ka xagaa ka sii wado balse waxaa ila socday walal keed oo aha saxib’Key anigo aad iyo aad u faraxsan ayaa waxa aan ku labtay gurigeygii oo waxaan Gaadhka ka ahayay Telephone keyga oo xita waxa aan didey in aan musqusha ado wayo waxaan ka cabsanayay in aan Gafo lacala hadii Ay isoo wacdo ama ay ila soo hadasho nasiib Markaan sugay sacado faro badan ayaa waxa iqabatey hurdo oo waan sexday Nasiib xumo ima aysan soo wicin in mudo ah

waxaan iska dhadhaciyay in ay Cup kii u warqadu ku dhajisna ay aragtey Hoyadii dhashey ayna ku qeylisay anan xagaas ku wayay fursadii aan kula hadli laha gabadhas ama aan ku baran laha mida kalena aan ku wayay saxib tinimadii saxib’key oo waxa aan is dhahay waxaad sameysay ariin adan ka firsan oo dhidhiga ayaad dhex fadhida ee ka fikiir sidi aad uga dabalan laheyd oo waxaan maskaxdeyda ka radiniyay sii aan ariinta u xaliyo sii aan u soo celiyo saxib tinimadii naga dhaxeysay gabadha walal keed oo aan ahen saxib wanagsan oo ay ka dhaxeyso xishmo iyo walaal tinimo.

hadaba Nasiib wanag waxaa riyadeydii Beneyay Gabadhi oo waxa ay kicintay in ay Jikada hagajiso oo ay nadifiso Weelka oo dhan hadaba markii ay bilowdey dhaqitaan kii weel’ka aya waxaa ku soo adey Cup kii oo markii ay biyaha ku shubtey ayaa waxaa ka soo dhacay waraqad qoyan oo u magacey’gu ku qoran yahay waxana inta u sii dhera waxa ku qora Telephone keyga oo aan anigu ku qoray markii aan jogay Gurigeeda gabadhi ayaa qosashey oo waxa ay aY madaxa gashatey warqadii oo qoyan oo waxa ay Go’ansatey in ay isoo wacdo markii ay dhameyso weelka Balse gabadhu waa gabadh aad iyo aad u xishood badan oo anan laheyn duldul fara badan oo Raga Lama hadasho sidii lagu yaqaan gabdhihi Hore ee soomaaliyeed . waa Meel u Ilah wax ka wadee gabadhii ayaa isoo wacdey balse anigu marnaba kama suganeyniin in ay soo wacdo si lama filaan ah ayan uga qabtey Telephone kii Kaliya waxaan ka xasuusta in ay aheyd markii igu farxada badaneyd intii aan jogey adunyadan dhibka badan gabadhii ayaan xagii iska barney nasiib wanag gabadhi waxa ay la dhacdey sheekadeydii oo waxa aan uga sheekiyey waxa iga soo maray aragteedii igu horeysay oo aan arko. sheeko dheer ayaan u galay gabadhi ayaa waxaa aan waydiyay in ay la sheekeysato Qof Nasiib wanag gabadhi waxa ay idhahdey maya Walal/Abowe cidna lama sheekeysto oo ma dhafo Gurigeyga iyo skool Keyga farxad aan La’aqoon wax lagu tilmamo ayaan xagii ka qadey oo waxaan u sheegey in aan walasho wax yar u Gadhey kaliya Markii igu horeysay een arkey gabadhas. Marlabad ayay Qoshey (kkkkk) oo waxa ay ishegtey shaahi iga datey dharkii aan Qabey iyo dhareerkii iga dadaneyay sida qof jeeelan oo Dhaanan u bahan.

nasiib wanag Gabadhii waxa aan ku Beray Jeceyl oo waxa aan Noqoney (Leylo Iyo Qeys) oo Jeceyl dhab ah ayaa labadana sii xuun noo Dharbaxay Anigana waxaan Noqdey qofkii adunyada ugu nasiibka badna oo waxa aan heley wax Anan waligey xita anan ku Riyoon oo wax ay iga dhigtey nin dhameys’tiiran oo u Ilahey Nimceyay gabadhana waxaan ku qiyaso Garan mayo oo waan jibooda markasta oo aan indha ha ka qado inkasta oo ay yareeyd inta aan is aragney wayo waxaan saxibo Nahay walaal keed oo waxa aan ilalaLiya sharafta saxibtinimada. Sharaf’na ma aha in aad ku Ken’Kento saxibka walashis oo waa ariin Yara Qalafsan balse waa ariin Iga xoog badnatey oo faraheyga ka baxdey balse ku saqdey maskaxdeyda oo wax kale ima muqdo oo an Iyada aheeyn.

Akhristow Sheekadu Intaas Wey Ka badanTahay Insha allah Warqad isoo Qor hadii aad la dhacdey sheekadan waxii khalad ah ee ku aragtana Fadlan ila soo socdsi sii aan u saxo Ciwanka E-mail ka La’iga Helo waa Jigreboi@gmail.com

waxa Xaquuqda Qoralkan iska leh www.Somaliwords.BlogSpot.com Please Respect my CopYRight (R) if You want copy please make sure You Write me first @Jigreboi@gmail insha allah i will try my best to reply Your Msg ASp. Peace of allah be Upon You.

h1

Waxaa qaska Wada waa Darood,Hawiye iyo Isaaq

March 9, 2009

Qore mahamud j adan
Sifaha Sheekada: Waxaa qaska Wada waa Darood,Hawiye iyo Isaaq
Marka Hore Aan Ku Bilabo Bismilahi Raxmani Raxiim

Akhriste adigo mudan oo mahadsan Iga Dhageyso Mawducan aan uga Hadlayo Dhibka ka alosan wadanka soomaaliya Iyo Kuwa ugu cadcad ee Ka wada dhibka ama ka hor’istagsan in ay soomaaliya noqoto meel lagu nasto oo ay Caruur wax baratay iyo Hoyo aan Ciil heyn ka soo Tosto.

Sidaan dhamaanteen la socono waxaa ay soomaaliya ku sugneeyd Xalado aad iyo aad U cakiran oo sababey In lagu wayo Dad Aad iyo Aad U Farabadan iyo Qax aan istaag Laheyn. Markii aad Akhriso Ciwaanka Ugu Horeya ee u ka bilawdo Mawducan ayaa Markiiba waxaa Maskaxdada Ku soo dhacaya in aad Tirahdiid Qofka Qoraalkan isku masquliyay waa Qof wareer’san oo shaqo wayay waxuu ka hadlana wayay oo bila camal ah. Hadii u fikiirkagu Sidayay waxaad Iga mudanTahay Xishmad iyo Mudnan wanad ku mahadsantahay Wakhtiga aad Galisay in aad akhrisiid Qoralkan. Hadaba aniga oo sii dhexgalaya sababta igu kaliftay in aan Dhaleceyo Sadexdan Diiq ee ugu badan soomaaliweyn.

Hadii aan isga ka waramo akhristow waxaan ahay Shaqsi soomaaliyeed hadii u Qabiilku Isiiqadana ah Shaqsi Darood ah ama Ka soo Jeda Bah’weynta Darood waxana meelkasta iga soo Gala Bahweynta Isaaq Iyo Bahweynta Hawiye waxaan is odhan karta waxaan ah Shaqsi Universal ah oo Ceelkasta ka Cabii Kara Balse waxaa inta ka sii wanagsan in aan ahay shaqsi ay ku dheertahay Soomaalinimada Walow anan waligay arkiin soomaaliya Balse markasta Jecyel Mar uun in aan Arko soomaaliya iyada oo ay ka Jiirto Kala Danbeeyn iyo Ixtiraam Dhexyala Bulsho’weynta Soomaaliyeed Melkasta oo ay Jogan gar ahaan Soomaaliya.

Hadaba maxaa Igu kalifay in aan Ciwankeyga Kore ku astaman aan u Qoro sidaas? Waa Su’aal wanagsan waxay soomaali ku mah’mahda shaydan dontaa Furdamiya. Marka aan isku dayo in aan ka dhadhiciyo waxa igu kalifay in Aan Dhaleco u soo jediyo Sadexda Diiq ama sadexda ACtor ee igu wa’weyn soomaaliya Ku waas oo kale ah Darood,Hawiye,Iyo Isaaq?

hadii aad diib u racdo tariikhada Muda Laga Jogo 20 sano waxaa soomaaliya kasocda dagaal aan micno laheeyn balse micno loo yelay ama lagu layay Maatii Iyo Marti sharaf farabadan midaas oo soomaaliya aad u maleysiid hadii ay siidaa ku siisocto in ay ka sarii donta Magaca Soomaaliyeed Khariirada Aduunka ama Map ka u yala calmka oo mesha lagu wayii dono magacii iyo sharaftii soomaaliyeed ee qadimiga aheyd midaas oo ahan jirtay mid lagu fanii Jiray markii ay soomaaliya hayed wadan ismamula inkastu Mamulkasta oo africa ka dhisaniyahay Mid bada Saran oo Donyar oo Bila qalab ah saran Ma Ku kaliya u shaqeya Jeebkooda iyoo Xaqa Laga Dhacayo Umada.

waxaan amiinsanahay Hadii ay sadexda Diiq een koor ku soo Xusay ay ka dayaan Qaska ay ku hayaan wadanka iyo Umada in soomaaliya ay gadhii Laheyd Nabad warta balse waxaa Jiira Kuwo u bartay in ay ku Qadhabtaan sadexda magac oo ay ku layaan Umada iyga oo wax xuun dhagaha u galinya umada ay ka soo Jeedan Dadkii ay Ka soo Jeedena waxay u muqata in ay iska Qaban wayeen oo ay Dushodu Noqotay Mid lagu xaaro oo lagu see Jiyo dantoodi Akhari iyo Midii adunyaba taas oo ah wax aad iyo aad Laga Naxo wayo waxay soomaali ku Mahmahda Fartada oo Qudhuntay oo la iska Goya wayo waxy sameeyn weyn kuyelan karta farahaga kale.

waxanan Ka wada hadii aan la iska qaban kuwa qabiilka sida xuun u fasiirtay ee isku diraya Umada soomaaliyeed waxaa surtawda in ay soomaaliya noqoto Mesha Ugu Dhaw Cadabta ama ay Noqoto Meel ay Ka soo Tosan xawayaaniin aan La’arkiin oo anan la’Maqlin
hadaba waxaan Dhamaan Caqilada iyo wax garadka Dhihi Laha in ay Ka sexdeed Dhaqankii iyo Fariintii Loga tagay oo ahyed In geed Hoostiis Lagu dhameysto arimaha Qoyeska iyo Irimaha Bulshada Nockastaba aha ahatee oo waxaad ka Dorateen in aad ka amar qadataan calooshiis u shaqeystee jahiil ah oo an waxaba ka aqoon Xaquuqda Adamaha iyo sharafta wadankiisa hoyo Kaas oo ka Dortay jeeb Qoyan iyo in uu Quto Xaaraan iyo Xolo Agoomed ama uu Tako tako u Ibsado wadankiisa kaas uu ka Ibinayo Cadawga soomaaliyeed ama Inta Jecyl soomaaliya in aysan waligeed qaska iyo Labka aysan ka bixin wayo dan Ugama jirto in ay soomaaliya ay nabad warta ka dhacdo.

waxaa Masuul ah qofkii XaQa Iyo samaha Kala yaqana Shafrana inta uu ka Itaal Roonyahay Umana Jeedo qof soomaaliyeed oo ka Mid ah sadexda Diiq oo Marnaba Isle xaq Ka tali oo Diib u fiiri dhibka Lagu Hayo Umada Soomaaliyeed ee lagada Tirada badanYahay Ha Noqdaan Ku wadanka Joga ama Dibadaha ku Maqan Arintasana waa ariin aad iyo aad U mihimsan in La Ogado Tiro Ahaan waa Laga badanyahay balse in ay Haystaan Every right oo ay ku Noqdaan soomaali ka tayo iyo talaba wanagsan kulana dhashay oo barii Kamaalin aad ka dhigan kartiid garab soomaaliyeed wayo hadii aan soomaali Nahay waxaan amiinsahay in aan nahay hal Family oo Fara batay oo Magacan Lawad baxay ku waas oo isku darajo iyo isku diinba ah.

waxaa Wanagsan Qofkii Khaladka wada ama qaska wada in ay runta u sheegaan Cuqasha iyo wax garadka ugu dhaw’dhaw oo ay dhahaan waad Edab darantahaye Meel Fariiso Dhibkana ka daa Umada waxana Hubaal ah in uu qofkaas isagu diib isagu labanayo oo uu sameyn Dono in uu ka wantoobo waxii u waday wayo waa Laga fara batay oo waxaa ka fara batay intii rabtay Midnimada Iyo sharafta soomaaliyeed
waxaa dhiib ah in ay soomaali ka sexatay Eraygii runta ahaa oo ay noqodee Calooshiis Lacayaar iyo Khaa’imul wadan

Darood,hawiye,isaaq Inadeeryaal,InaAbtiiyaal,InahabroWadag Dhibka halaga Dhafo umada Dibna ha la iskugu labto oo ha la’ogado in umadii lagada tirada badna ama intii Rabtay Midnimada Iyo Nabada ku soo dabalida wadanka iyo dhulka soomaaliyeed aad mariiseen Cida hosteeda Ilahay Halaga Cabsado Ha’Laxushmeyo Dadka Dhibateysan ee malinkasta Dhimashada,dhawaca,kuufsiga iyo qaxa lagu hayo ilahay waa u inoo Jedaa marka qofkastaba Yunan Qiil radsaniin uu ku layo Umad aan waxba Galabsan oo Yunan ku mar Marsoon Way Mujahiideen oo waxay u dhinteen diinto Qofkaas ogow adiga ayaa Lagu haysta aad ka dhadhicisay in uu dhinto diin aan lagu soo Duliin wayo adiga ayaa shalay isku Keny oo kasbaday in Lagugu soo Dulo.

AKHRISTOW IGAMA AHA IN AAN CAY IYO AFLAGADO KA’WADO QORALKAN BALSE WAA IGA WANO SOOMAALIYEED

hadii aad Wax figrad ama saxiitaan ah aad i’haysiid fadlan waxaad igu soo hagajiin Karta Ciwanka AMA e-mail kan jigreboi@gmail.com
mahadsanidiin Dhamantiin peace of allah be upon you. www.somaliwords.blogspot.com

h1

Qiil u Radiiska Qoriga Afkiis Iyo dhiga Qulqulaya Wabiyada soomaaliya

March 5, 2009

Qore: M. j. Adan
Qiil u Radiiska Qoriga Afkiis Iyo dhiga Qulqulaya Wabiyada soomaaliya

waxaan ahay qof Dhalinyaro soomaliyeed oo raba in u arko wadankiisa oo ku dhaqma kala danbeeyn iyo nabad warta midaas oo ah furaha mustaqabalka wadanka iyo dhashisa sidaan la’wada soconaba waxaa lagu soo dhisahay wadanka (Jabutii) Dawalad lagu soo dortay Madaxweyne iyo ray’salwasaare Dalka hogamiya oo u horseeda Nabadeed Iyo cadalad ka dhalata wadanka Guud’Ahantiisa ama dalka oo dhan hadaba waxa jira Mucarad Ku daba Gabada Diinta macaan ee Islam’ka ku waas oo Ku Xasuuqay Umad fara’badan oo ay Leeyihin waa Mujahidiin U dhintay Diintoda,Dalkooda Iyo ka Xoreynta Ku wa ku soo dulay ama si xaqdaro ah ku soo galay wadankeena hooyo Aniga ahaan waxaan ahay shaqsii ka soo horjeeda in ay soo fara galiyaan Gacmo Kale oo shisheeye Guud ahaan soomaaliya.

balse hadii aan runta ka hadalo ama aan inagu diib isagu labano soomaaliya waxaa ka aloosna Dhibaato aan la soo kobi kariin in mudo ah’ba hadaba hadii aan nahay soomaali ama ku wa u daneynaya wadankooda, Diintoda iyo dadka shacabka ah ee an waxba galabsaniin oo markasta lagu xasuuqo xaqdaro iyo qorii afkiis maxaan uga hadliweynay oo xal lagu radin’wayay mudo hore? waa su’aal aan markasta waydiyo maskaxdeyda hadna ma helo wax jawab ah oon u shego qeeybta wax garadka ah ee jidhkeyga

waxaan amiinsanahay soomaali in ay tahay dad wada madax adag oon anan laheeyn wax lagu magacabo kala danbeeyn Iyo Leadership ama Hogamiye sax ah oo la’odhan karo waa qof raba in uu dhibka ka saro wadankiisa iyo umada uu dhibku ku habsaday ee bila Maciinka ah.
hadaba koxaaha Isku shegaya in ay u dagalamayaan Diinta Islam’ka ah (Ayaa Gal ah?) oo aad la dagalameysan oo hada kula Joga soomaaliya Onan ka aheyn Afarta askarii ee Ugands’ka ah?
waa su’aal fican oo u qofku isweydiin karo hadii u leyahay Qalbi ama Xishmad Bini adam’nimo

waxaan dhihi laha kuwa isku shegaya in ay u dagalamayaan dinteena Macan in ay huwanyihiin Magac Qabiil Balse ay Dadka U sheegan Been ah in ay Difacayaan Diinta iyo dalka Kuwaas oo ay ka Difacayaan GAALo.

hadii ay ruun ka tahay waxay qoryaha dhigi laheyeen markii ay Ethiopia ka baxday soomaaliya oo ay odhan laheyn waan fulinay Wajibadkeenii Dimed Iyo daleed oo hada waa in an xall iyo wada hadal radiina sida loga baxo qaskan iyo dhibka ka tagan wadankeena

Middaasna ma’aysan sameynin oo waxay ku dhaqaqeen in ay horay ka sii wadan danahoodii Iyaga u garka ahaa midas oo aheeyd Kursi Jecyel iyo jeeb lacag ah Tasna waa wax aad iyo aad laga naxo waxay isku sheegan in ay Yihin dad wax ka Yaqana diinta balse aysan waxba ka ogeyn waxii xaaq ama xaquuda ay diinta Islamka ah

waxaan dhihi laha hala siyo fursad dawlada cusub ee lagu soo dhisay wadanka Jabuuti oo ah Walalkeen. hadii aan diib u firino Madaxweynaha cusub iyaga ayuu ka Mid aha balse wuna helay waxii u rabay waxay aheyd in ay Kuwa kalena ku tageeraan oo ay dhahan walahi Ninka shalay ayuu naga mid aha mantana isaga ayaa hogamiya wadanka ee aan sino fursad uu umada ugu gar’garo balse ma’aysan dhiciin oo waxaa imaday Calooshoda u shaqeysta yaal aan rabiin in ay soomaaliya hesho xal wara oo ka sara dhibkan 20 jiirsaday

hadaba waxaan dhamaan Walaldeyda madax Adag u soo jedinaya in ay fuursad siyaan Dawalad loo wada dhanyahay ee u madaxa ka yahay madaxweyne Sheekh Shariif Sh. Ahmed
waxaan huba hadii fursad la’siyo madaxweynah cusub in uu Chance fican leyahay wayo waxaan indhihisa ka arka qof raba danta dalka iyo dadka

Wax aqoon ah Uma Lihi madaxweynah balse waxay ilatahay In uu yahay qof Ilahay Yaqana oo jeceyl wadankiisa hoyo kana Fican ku’wii hore ee isku sheegi Jiray madaxda ama madax’kusheegi mesha u jogay in ay xaran ku qudiiyaan caruurtooda iyaga oo ku qadhabanaya in ay ka shaqeynayaan danta umada soomaaliweyn.

Fadlan ha Iga qadan in aan La Jiiro Dhinac waxan kaliya Meshan ka sooJedinaya Figradeyda iYo xal U radiinta Wadnkena iyo Shacabka Soomaaliyeed

M.j adan
mamuulaha : www.Cypersomalia.wordpress.com
Peace of allah be upon You
You can E-mail me @ Jigreboi@gmail.com
mahadsaniid and god bless

h1

Waa Maxay Figaradeyda Ku adan Madaxweynaha Cusub ee soomaaliya?

February 20, 2009

marka hore waxaan salamaya dhamaan Inata akhrisaneysa Bogan waxanan Ku Salamaya ASlamu Caleyku Warax’Matulahi wa barakatuhu.
Intaas ka bacdi ayaa waxaan raba in aan Uga hadlo figrada aan ka qabo madaxweynaha cusub ee soomaaliya Xana Ha igu Noqotee.

Marka hore wax aqoon ah Uma Lihi Shekh Shariif Sh.Ahmed Aqonta Kaliya aan U leyahay waxay Tahay In aan La wadago DHiig Soomaaliyeed Iyo Diin Islam’nimo Sh.sh.sh.Ahmed sidaan u Arko waa QOf iska Qunyar socod ah oon hadal Badenen wana Qof Go’aan Adag ama QOf marka u wax damco Aan ka fuqiin oo Mucangag ah Sida indhihisa Ka muqato waa QOf Imaan Leh oo Dinta iyo Dalka Sii weyn u Jecyl wana Qof aad ku Amini Karaysiid Jebkaga oo Qoyan.

Sida aan Wararka ka Akhristay waa Nin waxbarsho dineed Leh oo kala yaqaan Waxii danta iyo dalka ay dani Ugu jirto waa Nin anan is odhan karo manta waa shaqsi ka sarii kara dalka iyo dadka dhibkan ku hobsatay hadii u Tageero ka Helo Dhamaan Umada soomaaliyeed Melkasta Ha Jogane

Dhagaxa ama Dhibata HorTagan Madxweynaha cusub waa Qabiil Kumana Saleysna Wax diin ah Qofkii aqali Lehana wu Igu racaya Ariinta Iyada ah wayo soomaali. soomaali wuu Yaqana waxaa dhibka wada waa Ina hebel iyo ina Hebal wana wax laga naxo ama Ayaan daro ah ku isku shegaya in ay Dinta u dagalamayaan waxay ku Dagalamayan Waa qabiil Iyo Qalbi Madobaday oo Huwan Magac diineed Balse aan wax war ah uga Heyn Dinata Suban Ee Ilahay ina siiyay.

waxan dhihi Laha Dhamaan inta Qabiilka Shadhkisa huwan in ay Fursad Siyaan Fursadan Qaliga ah ee Ay hada Haysato Soomaaliya Hadii Laga Fa’iideysan wayo waxaa Hubal ah in ay soomaaliya Noqon Donto Xero Dhurwaa ama Xero ay Ka soo Tosan Umad ka duwan Umada Ilahay u ku dhacay Dunida Dafaheda wayo waxaan ku Keney arkiin Meshii Qof BIna adam ah u lagu dilo isga oon waxba Galabsan Ilahay Ayaa u Jedo in xaqisii la Dudsiyay Qofkii Dudsiyana waxa u Ciqaab Ka Guranaya IIahayGa Weyn ee Waxiidka ah
Maxaa Umad Lagu dilay soomaaliya Maxaa Maati aan wax Galabsan Lagu dilay Maxaa Abee Iyo wiilkiisi Lagu Dilay Maxaa Hoyo Xabarsan Ilamahedii Lagu Dilay Maxaa Shekh Iyo Shariif Lagu Dilay Maxaa Nin aan waxba Galabsaniin Lagu Dilay Ina Hebal baad tahay maxaa Maal Lagu Dhacay maxaa Dumar Lagu Kufsaday?
waa Ceeb Inteeda La’eeg ee Ilahay Ha Loo soo Labto oo Ha La heshiyo.

Mj.Adan Jigreboi@gmail.com

h1

www.JIJIGAAIRPORT.WORDPRESS.COM

October 28, 2008


WWW.JIJIGAAIRPORT.WORDPRESS.COM MAHA MAGAC KU HADLA QABYAALAD AMA EE XASHO WAXAAN AHAY QOF UU KU JIRO DHIIG OGADEEN MARNA XUMAAN UMA OGALI BALSE WAXAAN RABA IN LAGA FOGADO QABUIILKA WAX LAGU DOORTO OO LOO DHAWADO SIDA LOO SIMI LAHA DHAMAAN UMADA KU FANTA DHULKEENA HOYO.SU’AAL HADII AD KA QABTIID FEEL FREE TO DROP yOUR COMMENTS @ JIGREBOI@GMAIL.COM

h1

Madaxweyne Loo Magacabay Ismamul” Gobaleedka ay Soomaalidu dagto ee Ethiopia

October 28, 2008

Maxay Ku dhacday Madaxweyne Kasta oo Laga soo dorto Ismamul gobaleedka soomaligalbeed in uu noqdo Ogaden maxaase ka danbeya ayana soo dorta madaxweynaha Gobolka ama Kililka 5aad ?

 

www.jijigaairport.wordpress.com
www.jijigaairport.wordpress.com

www.jijigaairport.wordpress.com

h1

www.jijigaairport.wordpress.com

October 18, 2008

h1

www.zazzle.com/culusay

October 4, 2008

www.zazzle.com/culusay is the best place to shop please make sure u click That Link and tell your friends and family thanks much and also thanks for your daily visit to my blog www.jijigaairport.wordpress.com.

h1

America ood u malaysid in uu dhaqalihisu dhulka yalo maxa Laga qaban kara ayase ka danbeyay Dhibatadan culus ee soo sameysay America? waa faladii dhaqalaha

September 23, 2008

bismilahi raxmani raxaaim Magacaygu waa Mohamud j adan anigo ah mumulaha ama mulkilahan Blogan aan ugu magacdaray www.jijigaairport.wordpress.com E-mail kan ayaa la’igala soo xiriiri kara qofkii raba in u Su’alo isoo waydiya

Manta waxaan ka hadlayna muduc ka yabiyay dhamaan umada mareykanka iyo aduunyada oo dhan midaas oo ah dhaqalihi maraykanka oo dhulka yala Walina La’isku haysto waxii sababay iyo sida ay u dheceen iyo waliba sidii loo badbadin laha

Sidaan wada ognahay America Isha dhaqalaha ee adunka oo waxaa soo daba’gala suqaq aad iyo aad u badan midkaas oo hogan u yahay maraykanka hadaba in mudo ah’ba waxaa maraykanka haystay dhaqalo xumii ku soo aday xaga Guryaha oo dad badan ayaa ku wayay Guryahodi Taas oo sababtay In ay Bank kasta oo bixiyay Loan ka ama deynta lagu ibsaday Guryaha in uu xarasho iyo xoloo jaban galiyo midaas oo isa soo jidanaysay ila in mudo ah hadaba dawlada oo ka indha xiratay ariintas iyada ah ayaa waxay sababtay in ay sii fafto oo ay Garto mesha dhaqalaha America uu ka dhaqdhaqo una Magacisu yahay (www.Wallstreet?) hadaba waxaa la dhihi kara hadii ay Jug culus soo garto wallstreet waxaa khalKhal kagalaya dhamaan ilaha waa’weyn ee dhaqalaha america

hadaba Shacabka AMerica ayaa waxay isweydinayaan maxaa sababay ayana ka Masuul ah Mashaqadan soo Fodsartay dhaqalihi ugu ficana adunka midkaas oo aha dhaqalaha america hadaba waxay dadbadan carabka sareen koxda mamusha hada white-house ka ama loo yaqano aqalka cad ee maraykanka Sidaan dhamanteen wada ogsoon nahay waxa hada gacanta ku haya taliska kursiga Koox siyasadeed oo lagu magacabo (Republican) iyaga oo hayay ila hada mudo aad ugu dheratay shicibaka maraykanka wayo waxaa la’soo darsay daqalo xumi iyo dagal aan Loo bogin sida lagu bilabay iyo sida uu ku dhaman karo kaas oo kharash weyn isticmala bilkasta hadii aan wax Yar ka tabano inta ku baxda Bilkasta ayaa waxaa lgu qiyaasa (Ten billion) oo ah lacagta mareykanka taas oo ah Lacag aad iyo aad u badan

Hadii aan ku soo labto su’aashi ahayeed ayaa ka danbeyay dhaqaluhu in uu cida galo waxaa Gacanta lagu fiqaya hada madaxweynaha hada talada hayo (Bush) isaga oo kasexday wax u qabadka umada ama ku lumiyay wakhtigi uu jagada hayay Qob iyo Qac aan Mela kulaheyn kas oo ay inta badan ee shacabka america ay ka soo horjedan oo wax yar ayaa tagersan qorshaha Xuun ee hada ka tagan Taliska America intasna waa wax lagu qiyaso Ila 5% kuwaas oo ah inta igu tajiirsan wadankan america

Hadaba waxaa ka socda hada America Talis badel ama in La’Dorto madaxweyne cusub oo hogamiya wadanka wayo waxaa sii dhamanya wakhtigi dheera ee uu hayay (Bush) taliska kurisiga ugu sareya ee siyaasada wadankana

hadaba waxa waxaa hada galan siyaasadeed ku jira labada Xisbi ee siyasadeed ee ka soo kala jeda labada dhinac oo La kala dhoho (LEFt) And (Right) ama (Republican And Democrat parties ) hadba hadaba waxa u soo baxay lolankaas laba nin oo aad u kala fog mid waxaa lagu Tiriya in uu wato siyasada hada wadanka lagu mamulo midaas oo ah mid Qub iyo Qac ah Midka’Kale waa shaqsi ku cusub siyasada wadankan Ahna Shaqsigu ugu horeyay ee madaw oo adiib u loo dorto in in hogamiyo xisbi sayasadeeed oo weyn oo ka dhisan wadankan Midkaas oo wata Maskax badal doon ah oo uu rabo in u   dhaqalaha iyo siyaasada AMerica koor u soo qado sida lawada og soon yahay Sawiirka maraykanka ayaad waxaad u malaysa in sii xumanayo waxana ariintaa keentay siyada qalafsan ee ah aniga Ha’laymaqalo Tas oo ay dalal farabadan oo calamka ka Tirsan ka Biyo Didsanyihiin.

Aniga oo ku soo labanaya sababaha Kentay in suqa maraykanka uu galo Khalkhal culus oo ku Yimada dhaqalaha wadanka oo dhan Taas oo laga walacsan yahay kaliya ma aha America balse adunyada ayaa ka walacsan waxa u danbeeyndona dhaqala hoda qarameed wayo suqaqa adunka inta badan waxay ku Daba saftaan  dhaqalaha Marykanka.

Maxaa hada lawada sidii lagu badbadiin laha dhaqalaha Wadanka America?

Su’aal adag oo u bahan in laga jawabo balse wali aan la’heyn Jawaab sax ah balse waxaa hada laga jalaqsinya in la’wado in lacag aad iyo aad u cadad weyn La’rabo in lagu bad badiyo Afar Shirkadood oo iyagu inta badan dhaqalaha America Kala wada waxana ka mid ah Tusale ahan AIG iyo ku wo farabadan oo Dhaqdhaaq u ah dhalaqalaha wadankan hadaba dawlada wayaa waxay hada kUrsiga u fadhida sii lacagta Loo Bixin laha iyo cida Masulka ka noqonaysa wayo hadii Lacagta la iska bixiyo waxaa hadana laga yaba in uu khalkhal marlabaad Galo hadaba waxaa hada ay Tahay Lacgta laga yaba in lagu badbadiyo dhaqalaha wadankan Lacag Cadadkeedu u dhanyahay $700B) oo dollar ka Marykanka

Hadaba akhrisatayaal waxii ka soo cusbonada ariinita Gaadal aayaan idinkala socdsin dona hadii u ilahay Yirahdo

Waa figarad aan soo diyariyay anigo ah mohamud j adan hadii aad su’aal ka qabtiid waxaad igala soo xiriiri karta Ciwanka ah ama E-mail kan Jigreboi@gmail.com Thanks.